WARARKA SOOMAALI

Diyaarad ku gubatay Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Degmo ka tirsan GEDO

Diyaarada oo siday Agab kala duwan kana baxday Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ay ku gubutay garoonka diyaaradaha degmada Dooloow ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Diyaaradda oo u rarneyd Hay’adda WFP ayaa waxaa ay siday Matooro ay leeyihiin dad Shacab ah, waxaana ka kacay dab xoogan taas oo sababtay inay diyaaradu gubato.

Dad  ayaa waxaa ay ku warrameen in uusan jirin qasaaro nafeed oo ka dhashay dabka ka kacay diyaaradda oo aan la demin, maadaama degmadaas aysan laheyn Gawaarida dab demiska.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dabka ka kacay diyaaradda uu Maanta saameyn ku yeeshay Shaqada Garoonka oo istaagtay, isla markaana duulimaadyo badan oo ka degi lahaa Garoonka Dooloow ay baaqdeen.

Dhowr jeer oo hore ayaa diyaarado sidaan oo kale waxaa uu dab ka kacay xilli ay ku sugnaayeen Garoomo diyaaradeed oo ku yaalla degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan, Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Diyaarad ku gubatay Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Degmo ka tirsan GEDO
To Top