WARARKA SOOMAALI

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Golaha Shacabka ee Galmudug oo bilaabatay

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabeen diiwaangelinta musharrixiinta u tartamaya Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharax Xildhibaan golaha shacab Yuusuf Geelle Ugaas oo u tartamaya kuriga HOP026 ayaa buuxiyay sharuudihii guddiga doorashada Galmudug, isaga oo qaatay shahaadadda Musharaxnimada ee Golaha Shacabka.

Musharax Xildhibaan Golaha Shacab Yuusuf Geelle Ugaas ayaa u mahad celiyay guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug oo uu sheegay inay si wanaagsan ugi adeegeen.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, guddoonsiiyay shahaadada murashaxnimada ee kursiga HOP104.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa la filayaa inay soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta musharrixiinta 5-ta kursi ee Golaha Shacabka oo ay ku tartami doonaan kuwo ku fadhiyay Afartii sano ee la soo shaafay iyo kuwa Cusub.

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Golaha Shacabka ee Galmudug oo bilaabatay
To Top