WARARKA SOOMAALI

Dhowr qof oo loo qabtay Dil ka dhacay Magaalada Garoowe, kadib howlal qorsheysan

Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal ayaa Gacanta ku soo dhigay Dadkii ka danbeyay dil xalay Magaalada Garoowe loogu geystay Sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame.

Ciidamada Booliska oo kashanaya kuwa Sirdoonka ayaa xalay marka uu falkaasi dhacay waxay Gudaha Magalada ka sameyeen Howlgalo lagu baadi goobayo Dadkii ka danbeyay Dilka marxuumka oo xiligaas goobta ka baxsaday.

Baritaan dheer kadib waxaa Ciidamada. Gacanta ay kusoo dhigeen Eedeysane Cabdikaafi Ibraahim Aadan iyo 3 dumara oo Ninka eedeysanaha ah ee la qabtay ku wehlinaayay dilka Marxuumka.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay Ciidamada Booliska kuwa Sirdoonka iyo Bulshada oo gacan weyn ka geystay

Taliyaha Qaybta Booliska ayaa sheegay in cid walba oo fal geysata aysan ka baxsan doonin gacanta laamaha amniga, isla markaaba lasoo qaban doono, si sharciga loo horgeeyo, isagoo u mahadceliyay Ciidankii qabtay dadkaas

Dhowr qof oo loo qabtay Dil ka dhacay Magaalada Garoowe, kadib howlal qorsheysan
To Top