WARARKA SOOMAALI

Dhacdo Naxdin iyo Argagax leh oo Maanta ka dhacday xerada Xagardheer

Nin ku hubeysan tooreey ayaa fal isugu jiray dil iyo dhaawac ka geystay gudaha xerada Qaxootiga Xagardheer oo ka tirsan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana falkaas oo ahaa mid naxdin leh kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Ninka oo watay mindi ayaa marka hore la sheegay inuu gowracay wiil yar oo da’diisa lagu tilmaamay hal sanno jir ah oo uu tooreey qeybaha sare ee uga dhuftay, isla markaana waxaa halkaas ku geeriyooday durbadii wiilkii yaraa.

Sidoo kale ninka ayaa toorey iyo masaar ku dhuftay haweeney walaashiis aheyd oo dhashay canuga yar ee uu marka hore dilay, waxaana goobta laga qaaday haweeneyda oo dhaawac halis ah uu soo gaaray, iyadoona la geeyay isbitaal.

Qaar kamid ah dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ninka falkan arxan-darrada ah ku dhaqaaqay oo lagu magacaabo Cabduqaadir Cabdullaahi, uu isticmaali jiray waxyaabaha maanka dooriya.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta falkan ka dhacay xerada Qaxootiga Xagardheer ka dambeysay, hase ahaatee ninka falkan geystay oo baxsaday ayaa la sheegay inuu aad u isticmaali jiray Maandoriyaha noocyadiisa kala duwan.

Dhacdo Naxdin iyo Argagax leh oo Maanta ka dhacday xerada Xagardheer
To Top