WARARKA SOOMAALI

DFS oo waxba kama jiraan ka dhigtay heshiisyo ay galeen Somaliland iyo Taiwan

Dowladda Federaalkan Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiis kasta oo ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Ambassador Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in aysan jirin dunida cid aqoonsan Somaliland iyo Taiwan midna.

Sidoo kale Somaliland ayuu ku tilmaamay gobol goonni-goosad ah oo ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya, isla markaana aan haysan sharciyad uu heshiisyo ku galo.

“Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland, waxaanu mar walba ilaalin doonaa madax-banaanida qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri safiirka.

Si kastaba ha’ahaatee Somaliland iyo Taiwan ayaa marar kala duwan ooh ore sheegay inay kala saxiixdeen heshiiyo, iyadoona aysan jirin dunida cid aqoonsan.

DFS oo waxba kama jiraan ka dhigtay heshiisyo ay galeen Somaliland iyo Taiwan
To Top