WARARKA SOOMAALI

DFS oo shaacisay xilliga uu bilaabanayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta shaacisay Jadwalka rasmiga ah ee lagu gali doono Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 12aad ee dugsiyada sare.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu sheegay in Imtixaanka ay ka qaadeyso ardayda dhammeysatay sanadkaan waxbarashada dugsiga sare uu bilaabayo maalinta sabtida soo socota oo ay taariikhdu tahay 22 bishaan June 2024.

Ardayda ayaa wada dadaalkii ugu danbeeyay ee ugu diyaar garoobayaan gelida imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 12aad ee dugsiyada sare.

Todobaadkii hore ayuu soo idlaaday Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8aad oo ay sannadkan u fadhiisteen 35,307 arday, wax ayna ku galayeen 92 xarumood oo ku kala yaalla Degmooyinka Gobolka Benaadir.

DFS oo shaacisay xilliga uu bilaabanayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top