WARARKA SOOMAALI

DFS oo shaacisay Tirada Al-Shabaab badan oo lagu dilay howlgal Culus

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee JFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibbada Caalamka ay dileen 20 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab xilli ay isku abaabulayeen duleedka deegaanka Baladdul Amiin ee Gobalka Shabeellada hoose.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay xarunta Wasaaradda Warfaafinta si wada jir ah ugu qabteen Ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya , Mohamed El-Amine Souef, isagoo intaa ku daray in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah khawaarijta.

Howlgalkan lagu beegsaday Shabaabka ayaa dhacay xilli ay kooxdu si qarsoodi ah isugu aruursanayeen beer ku taalla duleedka deegaanka Baladudul Amiin ee gobolka Shabeellada hoose.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa xusay in waddamada gobolka ay dareemayaan qatarta kooxda, maadaama ay halis ku tahay gobolka oo dhan.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran ay uga qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

DFS oo shaacisay Tirada Al-Shabaab badan oo lagu dilay howlgal Culus
To Top