WARARKA SOOMAALI

DFS oo ka Warbixisay Go’aano kasoo baxay Shirkii Wasiirada Cadaalada J. Carabta

Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta uga socday Magaalada Ifran ee Boqortooyada Marooko ayaa laga soo saaray qaraaro muhiim ah.

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa go’aanada la isla qaatay ku tilmaamay kuwa kusoo aaday xilligii loo baahnaa oo dawladda Federaalka Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-shabaab.

Xasan Macallin Maxamuud Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka dalka oo warbaahinta dowladda kula hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay Shirkaas iyo muhiimada uu ulahaa Soomaaliya oo ka qeyb gashay.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirka mudada uu socday lagu soo bandhigay barnaamijyo badan oo muhiim ah isla markaana ay wasaaradu muhiimada ka abaari doonto isagoo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya lagu amaanay dadaalkeeda ka go’aanshaha hormarinta hay’adaha cadaaladda dalka.

Dawladaha ku bahoobay Ururka ayaa iska kaashan doona dhismaha hay’adaha iyo shuruucda muhiimka u ah la dagaalanka iyo dambiyada abaabulan kuwaas oo Soomaaliya ka caawina doona talaabooyinka looga hortagayo dambiyada isaga talaaba wadamada iyo qaaradaha.

DFS oo ka Warbixisay Go’aano kasoo baxay Shirkii Wasiirada Cadaalada J. Carabta
To Top