WARARKA SOOMAALI

DFS iyo Midowga Afrika oo ka shiray qorshaha la wareegidda Ciidamada Somalia ee…

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Muqdisho, Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Kulankaan oo Maanta dhacay ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda iyo waajibaadka shaqo ee AMISOM, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta.

Inta uu socday sidoo kale kulanka dhexmaray Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa looga arrinsaday Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya,  iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaargarowga cutubyada ciidamada si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah.

DFS iyo Midowga Afrika oo ka shiray qorshaha la wareegidda Ciidamada Somalia ee…
To Top