Qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa lagu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku heyso sababta ay Ciidamada Kenya u duqeeyaan xarumaha Shirkadda Hormuud Telecom ee Gobolka Gedo.
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ayaa lagu shaaciyey inay soo gaartay xogta duqeymo horleh oo loo geystay xarumaha shirkadaasi ay ku leedahay qeybo ka tirsan Gobolka Gedo.
Dowladda Soomaaliya ayaa caddeeysay inay ka xuntahay fal-kasta oo lagu waxyeeleynayo muwaadiniintya Soomaaliyeed, iyadoo ganacsatada shirkada Hormuud uga tacsiyeysay dhibkii loo geystay.
Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga waxay qoraalkaan ku shaacisay inay la xariireyso ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee xaga amniga ka caawiya Soomaaliya, si loo ogaado sababta keentay duqeymahaas.