WARARKA SOOMAALI

DF oo shaacisay tirada Dad Soomaaliyeed ee kasoo cararay Colaada Suudaan

Safiir ku-xigeenka safaaradda Soomaliya ee dalka Suudaan Amb Axmed Cabdi Xasan faah faahin ka bixiyay tirada Soomaalida ee kasoo carartay dagaallada xooggan ee weli kasii socda magaalada caasimadda ah ee Khartuum iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalkaas.

Safiir ku-xigeenka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradooda gaarayso 1,500 oo qof ku barakaceen dagaalada ka socda Dalka Suudaan.

Safiirka ayaa sheegay in dadkan isugu jiraan Arday iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu noolaa magaalooyinka Suudaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in safaaraddaha Soomaliya ee dalalka Sudan, Ethiopia iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaliya iska kaashadeen gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoo gaartay dagaalka ka qarxay dalka Sudan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii loo soo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay dagaalka ka socda dalka Sudan, dadka Soomaaliyeed  ee ku bara baxay dagaalada Sudan ayaa u kala baxay dalalka South Sudan iyo Ethiopia.

DF oo shaacisay tirada Dad Soomaaliyeed ee kasoo cararay Colaada Suudaan
To Top