WARARKA SOOMAALI

Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka oo Ciidul Axdaa laga ciidayo maalinta 1-aad

Waxaa Maanta deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe looga dabaal-degayaa maalinta koowaad ee Ciidul Adxa, xili shalay dunida Muslimka siweyn looga Ciiday maalinta koowaad Ciidul Adxaa.

Magaalooyinka Gobolka Galgaduud ee Maanta maalinta koowaad laga ciidayo ayaa waxaa kamid ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, Guriceel, qeybo kamid ah Caabudwaaq iyo meelo kale oo ka tirsan Galgaduud.

Culimada Masaajida  ayaa sheegay in shalay aysan u aheyn maalin Ciid, isla markaana Maanta ay ciidayaan, iyadoona saaka Masaajido ku yaalla Magaalooyinka laga tukaday salaada Ciidul Adxaa, waxaana Masaajida ku tukaday dadweyne farabadan.

Sidoo kale meelaha Maanta maalinta koowaad laga Ciidayo Ciidul Adxaa ayaa waxaa kamid ah degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaano hoostega degmadaas, waxaana  halkaas saaka lagu oogay saalada Ciidul Adxaa.

Si kastaba Magaalada Muqdisho iyo deegaanada Gobolada dalka ayaa maalintii labaad siweyn looga ciidayaa Ciidul Adxaa, iyadoona dadweynaha ay isugu hambalyeeynayaan farxada Ciidda.

Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka oo Ciidul Axdaa laga ciidayo maalinta 1-aad
To Top