WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka 11-aad oo geeridooday

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Kuulow oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ee aan weli la dhaarin ayaa galabta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Marxuum Maxamuud Kuulow ayaa ka mid ahaa xubnihii Golaha Shacabka ee dhawaan lagu doortay magaalada Kismaayo, wuxuuna ku fadhiyay kursiga tirsigiisu yahay Hop#079.

Weli lama shaacin waxa sababay geerida xildhibaan Kuulow oo ku geeriyooday dalka Kenya oo uu ku sugnaa todobaadyadii la soo dhaafay.

Allaha u naxaristee Xildhibaan Maxamuud Muxumed Cumar ( Kuulow) ayaa 22-kii bishii dhamaatay ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, waxa uuna kamid ahaa xubno aad ugu dhawaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

DEG DEG: Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka 11-aad oo geeridooday
To Top