WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo u yeeray Wasiirka Betroolka & Macdanta DFS

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliye Suleymaan Maxamed ayaa waxaa loogu yeeray Wasiir Cabdirashiid Maxamed inuu tego Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bishaan Maarso 2022.

Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Xukuumadda ayaa wax looga weydiin doonaa Heshiiska uu saxiixay ee dhexmaray, Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited.

Ugu dambeyn Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxaa la faray inuu waqtiga imaanshaha ilaaliyo oo ah 11:00 AM

DEG DEG: Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo u yeeray Wasiirka Betroolka & Macdanta DFS
To Top