WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Weerar Qaraxyo oo lala beegsaday xero ku taalla Baardheere

Wararka aan ka heleyno degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in goor dhow halkaas ay ka dhaceen qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray xero ciidan oo ku taalla degmadaasi.

Weerarka oo ahaa mid qaraxyo ku bilowday ayaa lala beegsaday xero lagu tababaro ciidanka dowladda Federaalka oo ku taalla degmada Baardheere, waxaana xilligii uu weerarka dhacaayay xerada ka socday tababar la siinayo dhalinyaro farabadan.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la tilmaamay inay gudaha u galeen xerada oo ay ka dhex dagaalamayaan, isla markaana waxaa weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo aan illaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha inta uu la egyahay.

Jugta qaraxyada ayaa laga maqlay gebi ahaan Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana xaalad cakiran ay jirtaa xerada weerarka lagu qaaday oo lagu magacaabo ADC, iyadoona ay ku sugnaayeen dhalinyaro loo diyaarinayo kamid noqoshada ciidanka dowladda iyo xoreynta gobalka Jubada Dhexe.

DEG DEG: Weerar Qaraxyo oo lala beegsaday xero ku taalla Baardheere
To Top