Wafdiga Ukraine ayaa gaaray Magaalada Gomel ee Bariga dalka Belarus, si ay ula haddaan wafdi ka socda Ruushka.
Wakaalladda Wararka Ruushka ee RIA Novosti ayaa sheegtay inay wafdiga Ukraine la socdeen 2 diyaaradood oo ah nooca Qumaatiga u kaca ee Helikobtar.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Belarus ayaa soo bandhigtay Sawirada Qolka wada-xaajoodka ee ay wafuudda Ruushka iyo Ukraine ku wada hadli doonaan.
Kulankaasi waxaa looga hadli doonaa sidii loogu dhawaaqi lahaa xabbad-joojin Degdeg ah oo laga gaaro Gulufka Colaadeed ee ay Milliteriga Ruushka ka wadaan gudaha dalka Ukraine.
Qoddobka ugu culus ayaa la sheegay in lagu lafa-guri doonaa sidii Ciiddanka Ruushka looga saaro lahaa gudaha dalka Ukraine.
Dhinaca kale, Wafdiga Ruushka uga qeyb galayo Wada-xaajoodka Nabadda waxaa hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Dhaqanka Ruushka, Vladimir Medinsky oo haatan ah Gacan-Yaraha Madaxweyne Putin.