WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Taliye Ciidan oo Goor dhow lagu dilay Dagaal ka dhacay Baladweyne

Taliyahii Saldhiga Booliska Magaalaa Baladweyne Laba Xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud Duur-jooge ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay Dagaal Ciidamada Booliska Hir-shabeelle iyo kuwa gaarka ee Harmacad Goordhaweyd ku dhaxmaray Gudaha Saldhiga Booliska.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne lagu xiray Boqolaal ruux oo lagu soo qabtay Howlgalo xalay ilaa saaka laga sameeyey Xaafada Buunda-weyn.

Dadkii lagu soo qabtay howlgalkaan ayaa saakay waxaa la geeyey xarunta Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne, si halkaasi loogu xiro, waxaana xiritaanka dadkaasi ka dhashay inta uu socday iska hor-imaadka uu ku dhintay Taliye Booliska baladweyn.

Xiisad u dhexeeyso labada Ciidan ayaa ka taagan saldhiga Booliska Baladweyne, xili Magaaladaas uu ku sugan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa oo kulamo wada.

DEG DEG: Taliye Ciidan oo Goor dhow lagu dilay Dagaal ka dhacay Baladweyne
To Top