WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Ra’iisul Wasaarihii UK oo si lama filaan ah isku casishay

Ra’iisul Wasaarihii dowladda Ingiriiska haweeneyda Liz Truss ayaa Maanta ku dhawaaqday inay xilkii Ra’iisul Wasaarenimo ee dalkaas iska casishay, iyada oo xilkaas heeysay lix toddobaad uun kadib markii xilka loo magacaabay.

Liz, ayaa sheegtay inay la kulantay 1,922 xubnood, Guddoomiyihii guddiga Sir Graham Brady maanta.

Dhamaan dadkani, ayaa waxay isku raaceen in todobaadka soo socda ay dhacdo doorashada hoggaanka. Waxey intaa ku dareen inay sii ahaan doonto xilka Ra’iisul wasaaraha inta laga dooranayo qofka bedeli doona.

Truss ayaa sheegtay in aysan qaban Karin waxyaabaha horyaalla ee loo doortay

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Keir Starmer ayaa dalbaday doorasho guud oo dalka ka dhacda hadda.

DEG DEG: Ra’iisul Wasaarihii UK oo si lama filaan ah isku casishay
To Top