WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Degmada Afgooye

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow gudaha degmadaas uu ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha degmadaas.

Qaraxa oo loo maleynayo inuu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Baar Ismaaciil  gaar ahaan wadada u leexada dhanka Dugsiga Sare ee degmada Afgooye, rasaas xoogan ayaa qaraxa kadib laga maqlay aaga.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ayaa durbadii gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray wadada, iyagoona u diidaya inay maraan dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka shaqeeyaa degmada Afgooye.

Lama oga khasaaraha  ka dhashay qaraxaan ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,.. La  soco wixii kusoo kordha warkaan Insha Allaah.

DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Degmada Afgooye
To Top