WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Qarax xoogan oo Xildhibaano lagula beegsaday Magaalada Jowhar

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar  ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Xildhibaano iyo dad shacab ah.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad lagu shaah cabo oo ku taalla xaafadda kulmis ee Jowhar, waxaana qaraxaas uu dhacay xili goobta ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay Jowhar, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo ay ku jiraan Xildhibaan Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir Kanaani oo kamid ahaa Baarlamaanka Hirshabeelle.

Dhaawacyada Xildhibaanada ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad, si loogu dabiibo, qaraxaas ay ku dhaawacmeen Xildhibaanada ayaa waxaa si kulul u Cambaareeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed.

Qaraxa ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu kusoo aaday, xili maalmaha soo socda lagu wado inay Magaaladaas ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Hirshabeelle.

DEG DEG:-Qarax xoogan oo Xildhibaano lagula beegsaday Magaalada Jowhar
To Top