WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Baladweyne & khasaaro…

Qarax khasaaro geystay ayaa goor dhow ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana la qarxiyey gaari nooxa raaxadda ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaaladaas.

Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in qaraxa dhacay oo ahaa miino lagu xiray gaariga saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle gaar ahaan kuwa Miino baarista ah ee ka shaqeeynayey Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne.

Gaariga ayaa mar qura qarxay, xilli uu marayay xaafadda xaawo-taako si gaar ah meel aan sidaas uga fogeyn Laanta Nuur-xawaad ee Magaalada, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray Askarta saarneyd gaariga.

Ilaa sadax askari oo Ciidamada miino maarista ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, waxaana askarta loo qaaday dhaawacyadooda Isbitaalka Ciidamada ATMIS ay ku leeyahiin deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Ciidamada Booliska Magaalada ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray aaga, waxaana ay halkaasi ka bilaabeeyn baaritaano, Jimcihii ayey aheyd markii qaraxyo khasaaro dhaliey ay ka dhaceen duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Baladweyne & khasaaro…
To Top