WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Qarax Is-miidaamin ah oo Goor dhow lagu dilay Guddoomiyihii Marka

Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas goor dhow uu ka dhacay qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday Guddoomiyihii degmada Cabdullaahi Cali Waafow oo qaraxa lagu dilay.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray goob uu ku sugnaa Guddoomiyaha Marka, waxaana qaraxaasi ku dhintay Guddoomiye Waafow iyo xubno kale oo xilligaasi la joogay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada ayaa rasaas xoogan furay qaraxa  kadib, waxaana xaalad Jahwareer ah ay ka taagan tahay xilligaan goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa socda gurmadyo loo sameeynayo dadkii waxyeelada soo gaartay

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa Is-miidaaminta uu ka dhashay khasaaro badan, mana jiro ilaa hada wax war ah oo qaraxaasi kasoo saareen maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha magaalada Marka ee qaraxa lagu dilay Cabdullaahi Cali Waafow ayaa horey u ahaa sargaal katirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaana tan iyo markii xilka guddoomiyaha Marka loo magacaabay Waafow laga dareemayay Isbadal xoogan.

DEG DEG: Qarax Is-miidaamin ah oo Goor dhow lagu dilay Guddoomiyihii Marka
To Top