WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Puntland oo hawada ka celisay Diyaarad ay la socotay ku-simaha MW

Maamulka Puntland ayaa hawada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka celiyey diyaarad ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Diyaarad ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha Xil. Sacdiya Xaaji Yaasiin ayaa barqanimadii Maanta laga celiyay Garoonka diyaaradaha Boosaaso loona diiday in ay soo degto.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Guddoomiye Sacdiya Xaaji oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay Gargaar kala duwan oo bani’aadanimo u wadeen  Boosaaso, si loogu dadka Abaareysan.

Lama oga sababta keentay in Puntland hawadeeda ka celiso diyaarada ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha oo kasoo jeeda deegaanada Puntland, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland.

DEG DEG: Puntland oo hawada ka celisay Diyaarad ay la socotay ku-simaha MW
To Top