WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Midowga Afrika oo diiday Go’aankii Go’aankii Rooble ku eryey Madeira

Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa diiday tallaabadii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen uu dalka uga eryey Ergayga Midowga Africa ee Soomaaliya Ambasador Fransicso Madeira.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Musa Faki ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Afrika ka walaacsan yahay Warqadii kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale, waxay sheegeen inay kalsooni galisay warqadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo saaray 7-dii April, oo lagu cadeeyey in uu ka xunnyahay warqada tallaabada Rooble qaaday.

Guddoomiye Musa Faki ayaa waxaa uu intaas kusii daray inay dib u xaqiijinayaan kalsoonida buuxda iyo aaminaada uu ku qabo Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Ambassador Madeira, isagoo u mahadceliyay Midowga Afrika.

“Guddoomiyaha Midowga Africa, wuxuu dib u xaqiijinayaa kalsoonida buuxda iyo aaminaada uu ku qabo Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Ambassador Madeira, wuxuuna ku celinayaa sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay dalkas u gaaro  soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni warta” ayaa lagu gabagabeeyey qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalka ceyriyey Fransicso Madeira oo lagu eedeeyay inuu ku kacay arrimo ka baxsan shaqadiisa, isla markaana waxaa loo qabtay inuu 48 saac gudahood uga baxo dalka, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ka horyimid tallaabadaas.

DEG DEG: Midowga Afrika oo diiday Go’aankii Go’aankii Rooble ku eryey Madeira
To Top