WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Maamul Goboleedyada oo joojiyey wadashaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda DFS

Wasiirada Maaliyadda dowlad Goboleedyada ayaa shaaciyay inay gebi ahaanba joojiyeen wada shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulan foggaan arag ah oo ay yeesheen Shanta wasiir dowlad goboleed ayaa waxay ku sheegeen in aanay wax wada shaqeyn jiri doonin inta Wasaaradda Maaliyadda DFS ku soo laabaneyso xeyndaabka sharci iyo fulinta heshiisyadii ay horay galeen.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka Wasiirada maamulada ayaa waxaa lagu eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda inay si bareer u baal martay dhammaan heshiiyadii horay u dhex maray dowladda iyo maamulada ee dhinaca Maaliyadda.

Kulanka ayaa ka qeyb galay Wasiirada Maaliyadda ee maamulada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Xiligii Farmaajo, Wasaaraddaha Maaliyada heer dawlad Gobaleed iyo Federaalka ayaa lahaa wada shaqeynta ugu wanaagsan, 100-maalmood oo kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud joogto hanaanka deyn-cafinta ayaa dhaawac adag soo gaaray.

Hoos ka Akhriso Qoraalka.

DEG DEG: Maamul Goboleedyada oo joojiyey wadashaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda DFS
To Top