WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Kulan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelan lahaayeen oo baaqday

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah lagu waday inay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaa uu baaqday.

Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la xaqiijiyay inuu u baaqday kooram la’aan, kadib markii Xarunta Villa Hargeysa ay soo xaadiri waayeen inta badan Xildhibaanada, isla markaana Guddoonka uu shaaciyay inuu baaqday kulankaas.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in kulankii Maanta uu ka baaqday, wuxuuna Xildhibaanada ugu baaqay inay gutaan waajibkii ay u dhaarteen, isagoo u mahadceliyay Xildhibaanadii saaka soo xaadiray.

“Kulankeenii Baarlamaanka ee saaka Kooram la’aan ayuu innagaga baaqday .Xildhibaanada waxaa waajib ku ah in ay gutaan waajibkii ay u dhaarteen. Waxa ammaan mudan intii soo xaadirtay” ayuu ku yiri Xildhibaan Macalimuu farriintiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in 78 Xildhibaan ay fadhiga soo xaadireen, halka kooramka laga doonayay in uu nqodo 139, Mudane, wuuxuna sheegay in Isniinta ay kulan yeelan doonaan.

DEG DEG: Kulan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelan lahaayeen oo baaqday
To Top