WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Kooxda Wagner oo qabsatay Magaallo muhiim u ah Ruushka

Kooxda Calooshood-u-shaqaystayaasha ee Wagner ayaa la sheegay inay qabsadeen magaalada Rostov-on-Don oo ah magaalada 11-aad ee ugu ballaaran magaalooyinka dalka Ruushka.

Madaxa Kooxdaasi ee baxsadka ka ah Milliteriga Ruushka,  Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay inay ciidankiisa la wareegeen guud ahaan magaalada Rostov-on-Don oo Marin muhiim u ah Sahayda Ciidanka Ruushka ee ku sugan gudaha dalka Ukraine.

Waxa uu intaasi ku daray in 25,000 oo ka mid ah Dagaalamayaashiisa ay ku sugan yihiin magaalada Rostov-on-Don oo ah magaallo ay ku nool yihiin in ka badan Hal milyan oo qof.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobalka Rostov, Vasily Golubev ayaa waxa uu dadka ugu baaqay inay ku nagaadaan Guryahooda, oo aysan ka qixin.

Weriye ka tirsan Warbaahinta Dowladda Ruushka ayaa sheegay inay deegan tahay xaalladda magaalada Rostov-on-Don iyo inay waddo ka xiran tahay qeyb keliya.

DEG DEG: Kooxda Wagner oo qabsatay Magaallo muhiim u ah Ruushka
To Top