WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo xilkii iska Casilay

Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa galabta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Guddoomiyenimo ee uu ka haayay Baarlamaanka Maamulka, kadib shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Laascaanood.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay inuu go’aan ku gaaray inuu xilka Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland iska casilo, sidoo kalena wuxuu intaas kusii daray uu iska casilay xubinimada xisbiga mucaaradka ee Waddani oo ka tirsanaa.

Waxaa kaloo uu Cabdirisaaq Khaliif Axmed tilmaamay inuu Somaliland ka haayay laba gaari oo mid uu yaallo magaalada Hargeysa, halka kan kalena uu isaga haatan ku heysto Laascaanood, isagoo xusay in kan yaalla Hargeysa la geynayo Xarunta Golaha Wakiilada, halka kan kalena lagu wareyjinayo SSC.

“Somaliland, waxaan u hayey laba gaari oo midi’i yaallo magaalada Hargeisa , midna Laascaanood , Kii Hargeisa yaalay waxaa la geynayaa beri xarunta golaha, kan Laascaanoodna waxaa lagu wareejinayaa Maamulka SSC-Khaatumo” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif .

Mudane Khaliif ayaa hore si adag uga horyimid duullaanka Muuse Biixi ku soo qaaday SSC-Khaatumo, gaar ahaanna shacabka Laascaanood, isaga oo ugu dambeyntiina la dareen noqday dadka deegaankiisa, oo dagaal kula jira Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa Cabdirisaaq Khaliif ku eedeeysay inuu jabiyey dastuurka Somaliland, waxayna muddooyinkii dambe ku howlneyd sidii ay xilka uu maanta iska casilay uga qaadi laheyd.

DEG DEG: Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo xilkii iska Casilay
To Top