WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Dagaal saaka dib uga qarxay duleedka Magaalada Laascaanood

Wararka aan ka heleyno duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas goor dhow uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka Maamulka Somaliland iyo ciidanka SSC.

Ciidanka Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday duleedka Laascaanood ayaa lasoo weriyey inay weerar kusoo qaadeen saldhigyo ciidanka SSC ay ku leeyihiin duleedka Laascaanood, sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

Dhawaqa hubka culus ayaa laga maqlayaa aaga dagaalka, sidoo kale waxaa dagaalka barbar socda madafaaiic ay ciidanka maamulka Somaliland ku garaacayaan xaafaddo ka tirsan magaalada, illaa iyo hada si sax ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Bilhii lasoo dhaafay ayaa waxaa Laascaanood ka taagneyd Colaad u dhexeysay ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC oo marar badan ay dhexmareen dagaalo ay ku dhinteen Askar farabadan, isla markaana lagu dilay taliyeyaal ciidan oo labada dhinac ka tirsanaa.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Bixii Cabdi ugu baaqday in ciidankooda ay kala baxaan Gobolka Sool, isla markaana ay joojiyaan colaada ay kusoo qaadayaan Laascaanood iyo degaanada ku dhow.

DEG DEG: Dagaal saaka dib uga qarxay duleedka Magaalada Laascaanood
To Top