WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Ciidanka Somaliland oo la wareegay Degmo ay Puntland ka qaban rabtay Doorasho

Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa Maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Boocame ee Gobolka Sool, kadib markii degmadaas isaga baxeen Ciidankii Booliska Maamulka Puntland oo ku sugnaa.

Ciidamada Somaliland oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa lasoo weriyey in saaka la wareegeen Boocame oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Puntland, kuwaasi oo illaa iyo hadda aan la ogeynta sababta ay u baxeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Ciidamada Somaliland saldhigyo ka sameeysteen gudaha degmada, isla markaana isku fidiyeen Boocame iyo duleedka degmada, sida ay sheegayaan wararka Horufadhi ka heleyso degmada.

Si kastaba degmada Boocame oo aheyd degmada kaliya ee Puntland ka heysatay Gobolka Sool ayaa kamid ah degmooyinka ay xukuumadda Puntland doonayso in laga qabto Barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ah.

DEG DEG: Ciidanka Somaliland oo la wareegay Degmo ay Puntland ka qaban rabtay Doorasho
To Top