Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen, iyada oo ay ku tarmaeen ilaa Saddex Mushrax.
54 Mudane ee uu ka kooban yahay Aqalka Sare ayaa Goobta doorashada ku sugnaa , waxaana doorashada Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ku tartamay Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Saalax Axmed Jaamac iyo Cusmaan Abuukar Dubbe, waxaana guuleystay Cabdi Xaashi.
Xubnaha ku tartamay doorashada Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa waxaa ay codadka u kala heleen Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo guuleystay 28 Cod, Saalax Axmed Jaamac 24 Cod iyo Cusmaan Abuukar Dubbe oo helay 2 Cod majirin cod halaabay.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa afartii sanno lasoo dhaafay ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Goordhow waxaa la guda galayaa doorashada Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Aqalka Sare oo ay ku tartami doonaan musharrixiinta kala ah, Senoter Cabdixakiin Macalin Axmed & Senoter Cali Shacbaan Ibraahim.