WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Baarlamaanka Pakistan oo doortay Ra’iisul Wasaare Cusub

Baarlamaanka Pakistan ayaa u doortay Shehbaz Sharif inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Pakistan ka dib markii ee codka kalsoonida kala laabteen Imran Khan.

Ka hor codbixinta, xildhibaano ka tirsan xisbiga Khan ee (PTI) ayaa si guud isu casilay, iyaga oo qaadacay doorashada Sharif oo walaalka ka yar Ra’iisul waarihii sadaxda jeer dalkaas taladiisa qabtay Nawaz Sharif.

Sharif, oo hogaaminayay dadaalka mucaaradka ee lagu doonayo in xilka looga qaado Khan, ayaa u balan qaaday dowladiisa inay hagaajin doonto dhaqaalaha oo aysan ka aargoosan doonin siyaasiyiinta ka soo horjeeday.

Hogaamiyahan 70 jirka ah ayaa ka soo jeeda qoys Siyaasadda Dalkaas ka ah caan.

DEG DEG: Baarlamaanka Pakistan oo doortay Ra’iisul Wasaare Cusub
To Top