Wararka aan ka heleyno deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka halkaas ay Al-Shabaab ku qaaday Weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Weerarka kadib ayaa waxaa bilowday dagaal toos ah oo haatan dhexmaraya ciidanka huwanta ee dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda, dagaalka ayaana si gaar ah uga socda saldhiga Coosweyne iyo xaafada ku dhow.
Isgaarsiinta deegaanka Coosweyne ee Gobolka Galgaduud ayaa hawada laga saaray, mana jiro faah faahin intaas ka badan oo laga heli karo dagaalka socda oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka, ciidamada ayaa maalin kahor Al-Shabaab ka qabsaday degmada Ceelbuur oo dhowr sanno ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.