WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Afhayeenka Xukuumadda Somalia oo Qarax lagula eegtay Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lala beegsaday oo la isku qarxiyey gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo marayey Isgoyska Dabka.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro oo soo gaaray Afhayeen Macalimuu, waxaana durbadii loola cararay mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray aaga oo dhan.

DEG DEG:-Afhayeenka Xukuumadda Somalia oo Qarax lagula eegtay Muqdisho
To Top