WARARKA SOOMAALI

Dagaalo u dhexeeya Ciidanka DF & Al-Shabaab oo ka socda degaano ka tirsan Mudug

Dagaal culus oo u dhaxeya ciidamada Gor-gor oo garab ka helay ciidamada Deegaanka iyo dagalaamayaasha Al shabaab ayaa ka socda meel u dhow deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno deegaankaas.

Dagaalkaan ayaa yimid, ka dib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar ku qaadeen deegaankaasi Dabagalo  oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, waxaan dhowr goobood oo deegaanka ka socda dagaal culus.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay suura gashay qabashada qeyb ka mida deegaanka, Isla markaasna ay ciidamada kusii siqayaan guud ahaan fariisimihii Al shabaab ee deegaanka Dabagalo ee gobolka mudug.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka socda oo dhinacyada soo kala gaaray, in kastoo aan la ogeyn inta la egyahay, hubka noocyadiisa kala duwan ayey isku adeegsanayaan ciidamada dowladda, kuwa degaanka iyo Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidanka deegaanka ayaa dagaalo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Mudug kula wareegay deegaano iyo degmooyin ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Dagaalo u dhexeeya Ciidanka DF & Al-Shabaab oo ka socda degaano ka tirsan Mudug
To Top