WARARKA SOOMAALI

Dagaalo culus oo ka dhacay Baraawe & xaaladihii ugu danbeeyay

Waxaa xaalad daganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa magaalada Baraawe oo ay shalay illaa xalay ka socdeen dagaalo xooggan oo u dhexeeyay ciidanka Milateriga dowladda iyo kuwa daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka ayaa kusoo warramay in saaka xaalada ay tahay mid degan oo aan la maqleynin wax rasaas ah oo ka dhaceysa gudaha magaalada, inkastoo weli dhinacyadii dagaalamay magaaladaas ay isku hor-fadhiyaan.

Dagaalka ayaa markii hore ka bilowday dil askari katirsan ciidanka Milatariga dowladda Federaalka loogu geestay Baraawe, iyadoo horey ciidanka isugu hayeen gacan ku heynta magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo rasaasta ugu tagtay goobo ay ku sugnaayeen, isbitaalka magaalada ayaa waxaa la geeyay dad qaba dhaawacyo.

Magaalada ayaa waxaa barakac ka sameeyay dadka deegaanka qaarkood, kuwaasi oo u cararay duleedka Baraawe, si ay uga fogaan hubka culus ay shalay illaa iyo xalay ay isdhaafsanayeen ciidamada ku dagaalamayay gudaha magaalada Baraawe.

Dagaalo culus oo ka dhacay Baraawe & xaaladihii ugu danbeeyay
To Top