WARARKA SOOMAALI

Dagaalkii Cuslaa oo ka dhacay Ceel-lahelay & Duqeymo laga fuliyay

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa DANAB iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay oo jimco aheyd ka dhacay  deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Dagaalkan ayaa qarxay ka gadaal markii Al-Shabaab dhowr jiho kasoo weerareen deegaanka Ceel-lahelay oo ay ku sugnaayeen ciidanka DANAB iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda, waxaana dagaalkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka cul culus.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidanka DANAB ay dib uga baxeen Ceel-lahelay, kadib markii uu cuslaaday dagaalka, waxaana deegaankaasi isaga baxay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Askar badan uu watay.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn karin khasaaraha inta uu la egyahay, maadaama hawada laga saaray Isgaarsiintii deegaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud.

Deegaanka Ceel-lahelay ee weerarka lagu qaaday waxaa ku sugan ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya ciidamaa deegaanka, waxaana weerarkan uu yahay kii ugu xumaa ee aagaasi ka dhavay.

Wararkii ugu danbeeyay ee saaka lagla helayo deegaanka Ceel-lahelay ayaa ku warramaya in halkaasi ay ka dhaceen duqeymo diyaaradeed oo la sheegay in lala beegsaday dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dagaalkii Cuslaa oo ka dhacay Ceel-lahelay & Duqeymo laga fuliyay
To Top