WARARKA SOOMAALI

Dagaal xoogan oo dhexmaray Al-shabaab iyo Macwiisley & faah faahino laga helayo

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Gobolka Hiiraan ku dhex-maray dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda oo garab ka helaya ciidamada dowladda.

Wararka waxaa ay tilmaamayaan Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda oo garab ka helaya ciidamada dowladda uu dagaal ku dhex-maray deegaanka Fiiq-fiiq oo u dhaxeeya Takaraale iyo Libile isla markaana hoostaga degmada Matabaan ee Waqooyinka Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa haa mid xooggan, waxaana wararku ay tilmaamayaan in uu ka dhashay khasaare xooggan oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray.

Dadka degaanka aaa soo sheegaya in ay maqlayeen dhawaqa rasaas xooggan oo labada dhinac ay isu-adeegsanayeen.

Guddoomiyaha iyo Ciidanka la socday ayaa ayaa la sheegay in dagaal uu ku qabsaday deegaanka Hees oo hoostaga degmada Matabaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan, oo labada dhinac ay saacado ku dagaalamayeen, sida ay sheegen dad goobjoogayaal ah.

Dagaal xoogan oo dhexmaray Al-shabaab iyo Macwiisley & faah faahino laga helayo
To Top