WARARKA SOOMAALI

Dagaal Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe & khasaaraha ka dhashay

Dagaal u dhexeeya ciidamada ammaanka Maamulka Puntland iyo ciidamo taabacsan mucaaradka Madaxweyne Saciid Deni ayaa Maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, dagaalkaasi ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafado ay ka midyihiin xaafadda Kowda Agoust, baarlamaanka, illaa jidka Soddonka ee magaalada Garoowe, isla markaana waxaa la maqlay rasaas xoog leh oo dhinacyada ay isku dhaafsadeen halkaasi.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux oo shacab ayaa ku dhintay dagaalkii ka dhacay Garoowe, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo durbadii loola cararay isbitaalka, si xaaladdooda caafimaad loogu dabiibo.

Mucaaradka ayaa diidan in la furo dastuurka dowlad Goboleedka Puntland oo ay haatan doodiisa u fadhiyaan xildhibaanada golaha wakiilada ee maamulkaasi Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xiisadda sii laba kacleyneysa iyo dagaalka ka socda halkaasi.

Si kastaba, Puntland weli ayaa waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka magaalada Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.

Dagaal Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe & khasaaraha ka dhashay
To Top