WARARKA SOOMAALI

Dagaal culus oo saaka ka dhacay degaano hoostaga Magaalada Baladweyne

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka deegaanka ee loo yaqaan macwiisleyda iyo Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaannada kala ah Baareey iyo Dhoqor oo koonfur ka xiga magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu yimid, ka gadaal markii +macwiisleyda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaannada Baareey iyo Dhoqor, sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada weerarka qaaday ayaa waxaa ay sheegeen in Al-shabaab dagaalka looga qabsaday meelo ay kaga sugnaayeen deegaannada la weeraray, isla markaana ay gacanta ku hayaan macwiisleyda.

Khasaaro kala duwan oo dhinacyada dagaalamay ayaa ka dhashay dagaaladii saaka ka dhacay deegaannada kala ah Baareey iyo Dhoqor oo koonfur ka xiga magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, welina si rasmi ah looga oga khasaaraha jira.

Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacaayay dagaalo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab, waxaana dagaalada lagu qabsaday degaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Dagaal culus oo saaka ka dhacay degaano hoostaga Magaalada Baladweyne
To Top