WARARKA SOOMAALI

Dagaal Beeleed lagu hoobtay oo Maanta dib uga qarxay Mudug

Ku dhawaad labaatan ruux ayaa ku dhintay, 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed xooggan oo maanta 9o khamiis ah dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa dib uga bilowday miyiga deegaannada Maygaag, Jiicboor iyo Ooman, xilli la qorsheynayay in halkaa la geeyo ciidan isku dhaf ah oo kala dhex gala dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa duhurkii iskiis u joogsaday, waxaana laga cabsi qabaa inuu dib u qarxi karo maadaama labada ciidan is horfadhiyaan, sida ay sheegayaan wararka laga helayo.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinat ayaa u sheegay in dhaawacyada ka dhashay dagaalka maanta dib u qarxay la gaarsiiyay isbitaallada magaalada Gaalkacyo , gaar ahaan dhinacyada dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Weli xal waara looma helin dagaalkan soo noq noqday, waxaana shalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala socotay Puntland iyo Galmudug.

Dagaal Beeleed lagu hoobtay oo Maanta dib uga qarxay Mudug
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top