Gaari bas ah iyo Gaari Tareel ah ayaa isku dhacay galabta, sida uu baahiyey Telefishinka Miramar ee dalkaasi Mosombique.
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay shilkaasi, kadib, markii uu Gaari waday Kontaynaro uu ku dhacay Bas waday dad Rakaab ah oo marayey Deegaanka Luala ee dalkaasi.
20 qof ayaa ku geeriyootay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen, halka ay 4 carruur ah ka badbaadeen Shilkaasi.
Dareewalkii waday Tareelka ayaa la sheegay inuu xakamayn Kari waayey gaariga oo si xawli ah ku socday, wuxuuna ku dhacay Baskii oo Jihada kale ee waddada ku soo socday.
Dalka Mosombique waxaa inta badan ka dhaca shilalka Gawaarida oo geysta Khasaaro kala duwan.