WARARKA SOOMAALI

Dad ku dhintay Duqeyn Ruushka la beegsaday Dhismo Telefishin oo ku yaalla Ukraine

Diyaaradaha Dagaalka ee Ruushka ayaa la sheegay inay Duqeyn la beegsadeen Dhismo Telefishin oo ku yaalla Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.

Waxaa la soo weriyey in 5 qof lagu dilay Duqeyntaasi,  halka in ka badan 5 kalena la dhaawacay, sida ku warrameen Warbaahinta maxaliga ah.

Qoraal ay Hay’adda Gurmadka degdega ee dalkaasi ku faafiyey Bartooda Facebook ayey ku sheegeen in abaarihii 18:00 la duqeeyey Dhismaha Tawarka ee Telefishinka Kyiv TV Tower oo ku yaalla Degmadda  Shevchenkivskyi ee ku taalla Bartamaha Caasimadda dalkaasi ee Kyiv.

Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Ruusha iyo Ukraine ayaa galay maalintii 6-aad, waxaana magaalooyinka Ukraine ku socda duqeymo xoogan oo dhaliyey khasaaro lixaad leh oo gaaray Ciidamo farabadan iyo dhismayaal ku yaalla Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv..

Dad ku dhintay Duqeyn Ruushka la beegsaday Dhismo Telefishin oo ku yaalla Ukraine
To Top