WARARKA SOOMAALI

Dad ku dhintay Duqeyn ay Ciidamada Ruushka ka geysteen Magaalo ku taalla…

Shan mayd oo ay ku jiraan saddex carruur ah ayaa laga soo saaray burburka dhisme ku yaal magaalada Chernihiv ee dalka Ukraine, sida ay sheegaan saraakiishu,ka dib markii halkaas Ciidamada Ruushku ka geysteen duqayn culus.

Hay’adda Gurmadka deg-degga ah ee dawladda Ukraine ayaa sheegtay in kooxaha baadigoobka iyo samatabbixinta ay heleen meydadka, xilli ay ku hawlanaayeen sidii ay burburka uga soo saari lahaayeen dadka ku waxyeeloobay duqaynta.

Dhanka kale, madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, Andriy Yermak, ayaa sheegay in la sii daayay duqa magaalada Melitopol Ivan Fedorov, oo ay af-duubteen ciidamada Ruushka.

Dad ku dhintay Duqeyn ay Ciidamada Ruushka ka geysteen Magaalo ku taalla…
To Top