WARARKA SOOMAALI

Dad farabadan oo ku hoobtay Dhul-gariir Maanta ku dhuftay Turkiga

Ugu yaraan 17 qof ayaa la shaaciyey inay ku dhinteen dhul-gariir waaberigii hore ee Maanta ka dhacay Koonfur Bari ee dalka Turkiga.

Saraakiil Maxali oo la hadlay Wakaallada Wararka ee AFP ayaa sheegay in la cabsi qabo inay tirada dhimashada sii kororto, maadaama ay Dhismooyin badan burbureen.

Saraakiisha ayaa waxaa ay tilmaameen inay 5 qof ku geeriyootay Gobalka Osmaniye, halka 10 kalena ku dhinteen magaalladda Şanlıurfa oo ku taalla meel u dhow xuduudka Turkiye la wadaagto dalka Syria.

Guddoomiyaha Gobalka Sanliurfa   Salih Ayhan ayaa waxa uu sheegay inay ugu yaraan 12 qof ku geeriyootay Gobalkiisa oo keliya.

Ilaa 3 dhul-gariir oo is-xigxigay ayaa waxa uu Waaberigii hore ee saakayto ku dhacay dalkaasi.

Balse, Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiye,  Suleyman Soylu ayaa waxa uu tilmaamay in 6 dhul-gariir oo cabirkooda ka sareeyey 6 rector scale uu ku dhuftay dalkiisa tan iyo Waaberigii hore ee saakayto oo Isniin ah.

Dad farabadan oo ku hoobtay Dhul-gariir Maanta ku dhuftay Turkiga
To Top