WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Xukuumadda oo War kasoo saartay howlgalada ka socda Hiiraan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Maanta ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Gobalka Hiiraan oo ka tirsan Hirshabeelle.

Wasiir Cabduqaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu boggaadiyey Ciidanka Xoogga dalka ee howlgalka ka wada Gobolka Hiiraan, isagoona ammaanay dowrka wanaagsan oo ay shacabka Gobalkaasi ka qaateen sidii Al-shabaab looga saari lahaa Hiiraan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Al-shabaab laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan, oo markii hore ay ku sugnaayeen.

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka waday degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana  Shabaab la sheegay in laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ku sugnaayeen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Xukuumadda oo War kasoo saartay howlgalada ka socda Hiiraan
To Top