WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xukuumadda oo Jawaab ka bixisay Eedii loo jeediyey R/Wasaare Rooble

Taliye sare oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa soo jeediyey eedayn ah in saraakiil ka tirsan dawladda ay damacsan yihiin inay dhistaan dhul ay leeyihiin ciidamada badda Soomaaliya.

Hadalkan waxa sheegay taliyaha ciidamada badda Sarreeye Guuto Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir. Taliyaha ayaa muuqaal la siiyey warbaahinta ku sheegay in saraakiil sare oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay doonayaan inay dhistaan dhulka ciidanka badda.

Waxa uu sheegay dhulkii ciidanka loogu talogalay in dan shaqsiyadeed loo qaato si looga dhiso dhul lagu nasto, laguna raaxaysto, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Sarreeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe” oo ah Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta ayaa sheegay in eedaynta taliyaha ciidanka badda ay ku noqotay “argagax”.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Xukuumadda oo Jawaab ka bixisay Eedii loo jeediyey R/Wasaare Rooble
To Top