Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay socdeen dacaayado been abuur ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.
Wasiir Cadaala oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay wararka been abuurka ah ee ku aadan in Rooble uu boob ku haayo dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda, wuxuuna sheegay in Warkaas ay abaabuleen kooxo doonaya inay magac dilaan Ra’iisul Wasaaraha.
Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dadaal badan ku bixiyay sidii dalkan uu uga baaqsan lahaa dagaal, kuna guuleystay in dalka ay ka dhacdo Doorashada Golaha Aqalka Sare iyo tan Golaha shacabka oo bilow fiican mareysa, ayna ka go’antahay Ra’iisul Wasaaruhu in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan Xukuumadda oo ay gacan ku siiyan gudashada waajibadka ka saaran hirgelinta doorashada lagu heshiiyay ….