WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xiisad weli ka taagan Magaalada Boosaaso iyo cabsi xoogan oo soo wajahday…

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay halkaas ay ka jirtay xiisad dagaal oo u dhexeeysa Ciidanka Maamulka iyo kuwa Hay’adda PSF-ta, kadib markii Madaxtooyada Puntland ay ka hor timid baaqii Isimada.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa daraawiishta Punland ayaa lagu arkayey meelo ku dhow xaafadda Ridwaan ee Boosaaso oo ay ku taallo Xarunta Ciidamada PSF-ta,  waxaana xalay halkaas laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay soo wajahday casbi dagaal ka dhex qarxo Ciidanka  Puntland iyo kuwa PSF-ta oo uu ka dhexeeyo khilaaf  ka dhashay xika qaadistii Madaxweyne Deni uu ku sameeyay Maxamuud Cismaan Diyaano.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamada PSF ee dhawaan soo baneeyay fariisimihii ay ku lahaayeen duleedyada Boosaaso ay fariisimo ka sameystay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

DAAWO:-Xiisad weli ka taagan Magaalada Boosaaso iyo cabsi xoogan oo soo wajahday…
To Top