WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Qarax Is-miidaamin oo Caawa ka dhacay Xeebta Liido

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa uu fuliyay is-miidaamiye isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa ah, uuna isku qarxiyey afaafka hore ee Maqaayada Pescatore Sea Food oo ku taalla xeebta Liido.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna sheegay in saddex Askari ay ku dhinteen qaraxa, halka 8 qofna dhaawac uu soo gaaray.

Taliyaha Booliska dowladda Federaalka Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ayaa kulan afur ah ku lahaa maqaayada la qarxiyey, kuwaasi oo ka badbaada qaraxii Caawa ka dhacay.

HALKAAN KA DAAWO MUUAALKA

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Qarax Is-miidaamin oo Caawa ka dhacay Xeebta Liido
To Top